Xudur(HR Media):- Warar dheeraad ah oo Horseed Media kasoo gaaraya magaalada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool ayaa sheegaya in labadii qof ee ajaanibta ahaa ee maanta halkaasi lagu afduubay ay u kala dhasheen dalalka Sweden iyo Denmark.
Wararka kasoo baxaya magaalada Bakool ayaa sheegaya in labada nin ee ajaanibta ah oo hay’adaha gargaar u shaqeeya sida la sheegay ay magaalada soo gaareen shalay oo Jimce ahayd.
Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Sweden ayaa sidoo kale xaqiijisay jinsiyada labada qof ee afduubka loogu geystay magaalada Xudur sida uu shaaciyey Afhayeenka Wasaaradaasi Andre Mkandawire ayaa sheegay in warkan ay soo gaarsiiyeen hay’ada Swedish ah oo Somaliya ka shaqeysa.
Illaa iyo hada macada waxa ay labadaasi qof ee ajaanibta ah u tageen magaalada Xudur oo ay maanta gacan ku heynteeda la wareegeen kooxaha Maxaakiimta Islaamiga.
Waxaa la xaqiijiyey in dagaal saaka ka dhacay Xudur uu ku dhinteen 13 qofood halka ay ku dhaacmeen inkaloo badan kadib markii uu dagaal ku dhexmaray magaalada Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyooyinka Maxaakiimta Islaamiga.
Maleeshiyooyinkaasi oo magaalada gacan ku heynteeda la wareegay ayaa xaruntii ay degenaayeen kala baxay labada qof oo ajnabiga ahaa kuwaasi oo shalay magaalada Yimid.





No comments yet
Comments feed for this article